DF oo war cusub kasoo saartay xaaladda Soomaalida ku sugan Ukraine

0

MUQDISHO (SMN) – Xog dheeraad ah oo ku saabsan xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Ukraine:

Safaaradaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Germany, Belgium iyo Serbia waxa ay sameeyeen bar is-gaarsiineed oo waxtar u leh muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka soo qaxay Ukraine ee ku sugan dalalka Poland, Romania iyo Serbia.

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Beljimka ayaa sidoo kale xafiis adeeg qunsuliyadeed oo KMG ah ka samaysay soohdinta xiriirisa wadamada Poland iyo Ukraine ee loo yaqaan xarunta qaabilaadda Hala Kijowska (Hala Kijowska Reception Center) ee Magaalada Warsaw.

Afartan (40) muwaadin oo Soomaali ah ayaa si nabadgelyo ah ku gaaray dalka Romania, waxa ay afar (4) kale ay gaareen dalka Germany, sidoo kale todobo (7) kale waxa ay gaari doonaan dalka Poland marka la hubiyo dukumintiyada xaqiijinaya dhalashadooda. Waxaa intaasi dheer , in Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Biljimka ay u fududeysay 24 muwaadin inay ku helaan dukumintiyada dhalashada muddo 24 saac gudahooda.

Dowladahaasi martigelinta samaynaya waxa ay soo dhowayn doonaan ardayda Soomaaliyeed ee gaaraysa dalalka Romania, Hungary iyo Serbia ee danaynaya inay sii wataan waxbarashadooda. Soomaaliya waxa ay ardayda u fidin doontaa adeegyo qunsuliyadeed , halka dalalka marti-gelinaya ay bixin doonaan taageerada kale ee la doonayo.

Si aad u diiwaangelisid takhasuskaaga inaad ka sii wadatid waxbarashadaada dalalka sare lagu xusay, waxaa lagaa doonayaa inaad ku buuxisid faahfaahintaada foomka hoose. Waxa aan ku boorinaynaa ardayda Soomaaliyeed ee ka soo qaxay Ukraine ee danaynaya in waxbarashadooda sare sii wataan ay la xiriiraan mas’uulka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ugu xilsaarran arrinkaasi oo ah qofka hoos ku xusan:

Sucaad Nuur
Email: suad.yusuf@mfa.gov.so.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here