DF Somalia oo war kasoo saartay howlgalladii ka dhacay Ceel-qurac

0

MUQDISHO (SMN) – Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay howlgal ay si wadajir AH ciidamada Xoogga dalka iyo saaxibada caalamiga ah uga sameeyeen xadka u dhexeeya gobollada Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe ee maamul goboleedyada Galmudug iyo HirShabelle.

 

Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkan oo ka dhacay deegaanada Gal-libaax iyo Ceel-qurac lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa halkaasi.

Dowladda waxa ay sidoo kale shaacisay in howlgalkan lagu khaarijiyay ku dhawaad 100 ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku jiraan saraakiil sar sare.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inay burburisay goobtii ay ku sugnaayeen xubnahaasi oo ay sheegtay inay ka abaabulayeen qaadidda weeraro qorsheysan.

“Howlgalkaasi ayaa waxaa lagu dilay ku dhowaad 100 tirsan Khawaarijta oo ay ku jiraan horjoogayaal, iyadoo isla markaana hawlgalkaa lagu burburiyay goobtii ay dhagarta ku maleegayeen cadowga” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda Somalia.

Halkan hoose ka aqriso:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here