MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay arrimo ku aadan howlgalka cusub ee ka bilaabanaya dalka, marka ay dhammaadka sanadkan baxaan ciidamada howlgalka ATMIS.
Wasiirka ayaa xaqiijiyay in howlgalka cusub aanay ka mid noqon doonin Itoobiya, wuxuuna sheegay in ciidamadeeda ay gabi ahaan ka tagi doonaan Soomaaliya.
Sababta waxa ku sheegay in Itoobiya ay ku xad-gudubtay madax banaanida Soomaaliya, kadib heshiis ay la gashay maamulka Somaliland.
“Ciidamada Itoobiya si rasmi ah ayaa looga reebay howlgalka cusub ee ciidamada ka socda Midowga Afrika ee Soomaaliya ka bilaabaya horaanta sanadka 2025-ka, sababto ah Itoobiya waxay kusoo xadgudubtay madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya.
Howlgalka beddalaya ATMIS ayaa waxaa ka qayb ka noqon doonno dhowr waddan oo Afrikaan ah, waxaana kamid ah Jabuuti, Kenya, Uganda iyo Brundi, kuwaas oo sheegay inay u diyaarsanyhiin howlgalka Soomaaliya.
Dowladda Federaalka ayaa muddooyinkii u dambeeyay wadday qorshe ballaaran oo ku aadan howlgalka bilaabanaya, ayada oo madaxweynaha uu booqday waddamada ay hadda ciidamada ka joogaan Soomaaliya, marka laga reebo Itoobiya, isaga oo kala soo hadlay sidii ay qayb uga noqon lahaayeen wajiga cusub ee howlgalka bilaabanaya 2025-ka.