MUQDISHO (SMN) – War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wasiirka gaashaandhigga ee Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur uu wadahadalladii uu la qaatay dhiggiisa Itoobiya uu u sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay tixgalinta codsiga Itoobiya ay ku doonayso in ciidamadeedu ay ku biiraan howlgalka AUSSOM ee bilowday maalintii Arbacada.
Dhankeeda Wasaaradda Arrimaha dibedda Itoobiya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen iskaashiga howlgalka cusub ee AUSSOM. Qoraalkaasi laguma sheegin nooca iskaashiga labada dhinac.
Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in labada dhinac ay isku afgarteen in kor loo qaado booqashooyinka iyo wada-hadallada la is waydaarsanayo, iyadoo la filayo in madaxda sare ee Soomaaliya ay dhawaan tagaan Addis Ababa.
Xiriirka Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa xumaaday bilowgii sannadkii hore markii Itoobiya ay maamulka Somaliland la gashay is-afarad la xiriira galaangal ay Itoobiya u hesho badda Soomaaliya, talaabadaasi oo si weyn ay u diiday dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Si kastaba, labada dal ayaa bishii hore saxiixday heshiiska Ankara ee uu Turkigu ka soo shaqeeyay, waxayna u muuqdaan kuwo diyaar u ah inay ka wada hadlaan xalinta khilaafka ka dhex-taagan.