MUQDISHO, Soomaaliya – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa si kulul uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee dalka, isaga oo si gaar ah u dhaliilay dowladda ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh.
Xildhibaanku wuxuu sheegay in saddexdii sano ee la soo dhaafay dowladda ay dhibaatooyin xooggan u geysatay shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo qaar badan laga barakiciyay guryahoodii ay Muqdisho ka deganaayeen.
“Dowladdu waxay si sharci-darro ah uga saartay dad shacab ah guryahoodii, iyada oo aan xal u helin arrintaasi,” ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan.
Dhanka kale, xildhibaanka oo hadalkiisa sii watay ayaa sheegay in dowladda federaalka ay ku guuldarreysatay sugidda amniga dalka, isagoo tusaale u soo qaatay askar Soomaaliyeed oo isaga baxday furimihii dagaalka.
“Waxaan aragnay ciidamo ka cararaya furimihii dagaalka, taasi waa fashil amni oo weyn,” ayuu hadalkiisa raaciyay Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir.
Hadalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa kusoo beegmaya xilli dalka uu wajahayo xaalad siyaasadeed oo cakiran, iyadoo weli la isku hayo hannaanka doorasho ee la qaadan doono – mid toos ah (qof iyo cod) ama mid aan toos ahayn oo ay maamul-goboleedyadu maamulaan.
Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa si isa soo taraysa u muujinaya walaac ku aaddan sida ay dowladda u maareynayso marxaladda kala-guurka, iyagoo ugu baaqaya in la helo hannaan doorasho oo mideysan, oo salka ku haya wadatashi iyo heshiis qaran.



