DFS oo Shaacisay Qorshe Cusub oo Lagu Xoreynayo Deegaano badan oo Sh/dhexe ah

0

Shabeellaha Dhexe, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa sheegtay in ay bilaabayso howlgallo militari oo ballaaran oo lagu xoreynayo magaalooyin iyo deegaano muhiim ah oo ay Al-Shabaab qabsadeen bilooyinkii lasoo dhaafay gobolka Shabeellaha Dhexe.

 

Wafdi sare oo ka socda DFS, una hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Muungaab, ayaa haatan ku sugan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ujeeddada socdaalkooda ayaa ah isku-dubarididda ciidamada wadajirka ah ee loo diyaariyey xoreynta gobolka.

DFS waxay sheegtay in deegaanada sida weyn loo diyaariyey ciidamada xoreynta ay ka mid yihiin Aadan-yabaal, Daaru-nicma, Alkowzar, Masjid-Cali Fuduud, Cadaanlaxey, Cadcadeey, Ceelbaraf, Ceelcali, Tawakal iyo deegaano kale oo muhiim ah oo kooxda Al-Shabaab gacanta ku hayeen muddooyinkii u dambeeyay.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa ku nuux-nuuxsaday in qorshahan cusub uu yahay mid la jaanqaadaya dadaallada lagu ciribtirayo Al-Shabaab ee weli ku dhuumaaleysanaya qeybo ka mid ah dalka, iyadoo laga faa’iideysanayo ciidamo isugu jira kuwa dowladda, kuwa deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah.

DFS ayaa horey u shaacisay in wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu si rasmi ah u bilaabanayo, iyadoo ay jirto rajo xooggan oo laga qabo in dhulka gacanta ugu jira kooxdaasi laga xoreeyo todobaadyada iyo bilaha soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here