DFS: Waa been abuur in loo yeeray Safiirka Soomaaliya ee Kenya

0

NAIROBI, Kenya [SMN] – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa beenisay warar baraha bulshadda la wareejinayay oo sheegay in wadatashi loogu yeeray safiirka Soomaaliye ee dalka Kenya Jibriil Cabdulle.

 

“Warka la wareejinayo baraha bulshada ee ku saabsan in aan ugu yeerannay Safiirkeena noo qaabilsan Kenya inuu yimaado Caasimadda Muqdisho ay tahay war aan sal iyo raad toona lahayn oo been abuur ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaiya.

Arintan ayaa timid kadib markii la sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ay u yeertay sabtidii danjiraha Kenya u fadhiya Muqdisho Kubai Iringo si ay ugu gudbiso cabasho ku aadan diyaarada ka diiwaan-gashan Kenya oo kusoo xad-gudubtay hawada Soomaaliya, iyadoo amar la’aan ka degtay Kismaayo.

Diyaaradda ayaa qaadey Axmed Madoobe, Madaxweynaha Jubaland oo safar ku tagey Nairobi xili dowladda Soomaaliya ay xayiraadda safar ay saartay tan iyo dib u doorashadiisa sanadkii tagey, taasoo sare u qaadey xiisadda siyaasadeed ee kala dhaxay Villa Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here