Dhacdo argagax leh: Faah-faahino kasoo baxaya Wiil mindi ku dilay adeerkiis

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dhacdo argagax leh oo xalay ka dhacday gudaha degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

 

Dhacdadan ayaa timid kadib markii wiil dhalinyaro ah uu tooreey ku dilay adeerkiis qabay hooyadii, taas oo argagax ku noqotay dadka deegaanka.

Dilka adeerka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen isaga iyo xaaskiisa kadibna wiil ay dhashay hooyada uu soo qaatay tooreey, kuna dilay marxuumka.

Wararka ayaa sheegaya in ninka la dilay uu kamid ahaa ganacsatada wax ku iibisa isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya oo ku aadan dilka loo gaystay ninkaasi.

Falkan ayaa kusoo aaday, xilli maalmihii u dambeeyay ay dhacdooyin kala duwan oo la yaab ku noqday shacabka ay ka dhacayeen gudaha magaalada Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here