Dhacdo argagax leh: Gabar ardayad ah oo si arxan darro ah loogu dilay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dhacdo argagax leh oo ka dhacday gelinkii dambe ee shalay degmada Warta Nabadda, kadib markii si arxan darro ah loogu dilay gabar yar oo 14 sano jir ahayd.

 

Marxuumadda ayaa waxaa lagu magacaabi jiray  Maa’ido Maxamed Axmed, waxaana lasoo wariyay in maydkeeda laga helay gurigii ay daganeyd.

Gabar la dhalatay marxuumadda oo la hadashay Shabelle TV ayaa sheegtay in gabadha la dilay, isla markaana jug looga gaystay madaxa, kadibna la gowracay.

“Gabadha madaxaa jug looga gaystay kadib waa dhiig baxday iyo ceeji loo gaystay ayay u dhimatay, iyada dhan wada dhiig ayay ahayd qof ayaa dilay kas cad ayuun u dilay” ayay tiri.

Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in kiiskan ay la wareegeen ciidamada amniga, isla markaana loo soo xiray dhowr qof oo tuhmanayaal ah, kuwa kale lagu raad joogo.

Halkan hoose ka daawo Warbixinta:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here