Dhaq-dhaqaaqyo horleh oo ka billowday Ceeldheer kadib weerarkii Al-Shabaab

0

CEELDHEER (SMN) – Taliyaha ciidanka dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed Janaraal Dayax Cabdi Cabdulle oo hawlo shaqo ku joogo degmada Ceeldheer oo dhacda bariga Galgaduud ayaa kulamo kala duwan la qaatay wasiiro ka socda Galmudug, saraakiisha ka tirsan xoogga dalka, hoggaanka Macawiisleyda iyo maamulka degmada Ceeldheer.

 

Mas’uuliyiintan ayaa bogaadiyay sida ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanku ay uga hortageen weerarkii Al-Shabaab ee dhowaan ka dhacay halkaasi.

Sidoo kale taliyaha ayaa xusay in la xoojiyo sugidda ammaanka degmada iyo deeganada ku xeeran, ayada oo lagu ballamay inay sii socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Gobollada Galgaduud iyo Mudug ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Galmudug iyo maleeshiyaadka dadka deegaanka.

Halkan hoose ka daawo Sawirro:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here