Muqdisho – Waxaa la sheegay in dhaqaalihii ugu badnaa laga jaray Dowladda Federaalka Soomaaliya, xilli dalka uu cagta saaray xaalado hubanti la’aan ah oo ku saabsan hannaanka doorasho ee soo socda.
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa tilmaamaya in Dowladda Mareykanka iyo dalal kale ay si rasmi ah u hakad geliyeen taageeradii dhaqaale ee ay siinjireen dowladda Soomaaliya.
Sanadihii lasoo dhaafay waxaa muuqday hoos u dhac ku yimid taageerada dhaqaale ee beesha caalamka siiso Soomaaliya, taasoo hadda la rumeysan yahay inay gaartay meeshii ugu hooseysay, iyadoo dowladdu si weyn ugu tiirsanayd gargaar dibadeed.
Xildhibaan Maxamed Diini oo katirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa arrintan ku tilmaamay mid si toos ah ugu xirnaan karta isku dayga Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku doonayo in uu si hal dhinac ah u maamulo doorashada dalka.
Xildhibaanku waxa uu sheegay in la isku koobayo masiirka dalka, taasoo cabsi gelinaysa saaxiibada caalamiga ah.
Haddii tallaabadan dhaqaale jarista ah ay sii socoto, waxay halis weyn ku tahay jiritaanka dowladda Federaalka, maadaama ay qeyb weyn oo miisaaniyaddeeda ku saleysan tahay deeqaha iyo maalgelinta caalamiga ah.
Warbixinta ayaa imaneysa iyadoo aan wali laga heshiin hannaan doorasho oo mideysan, taasoo sii kordhinaysa culeyska siyaasadeed iyo mid dhaqaale ee dalka ka jira.




