DHUUSAMAREEB – Dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo xooggan ay ka socda deegaano dhowr ah oo bariga gobolka Galgaduud ku yaalla, kuwaas oo ay hogaaminayaan macwiislayda iyo ciidamada xoogga dalka, sida ay sheegeen saraakiisha maxaliga ah.
Ciidamada wadajirka ah, ayaa sidoo kale la siiyey saanad iyo hub si ay ugu qayb qaataan howlgallada Al-Shabaab looga saarayo Bariga gobolka Galgaduud, oo hoostaga maamulka Galmudug state.
Sareeye Gaas Cali Caraaye Gacmo Duule, oo kamid ah saraakiisha sare ee ciidamada xoogga ee gobolka Mudug, ayaa u jeediyey qudbad dhiirigelin ah ciidamada isugu jira macwuslayda iyo ciidamada xoogga, isagoo ku booriyey in dadaal iyo hawlgal xooggan ay sameeyaan si Bariga Galgaduud looga xoreeyo Al-Shabaab.
Taliyaha ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyey in dowladda ay diyaar u tahay inay sii waddo taageerada dhinaca saanadka iyo hubka, isla markaana looga baahan yahay ciidamada inay dadaal dheeraad ah sameeyaan si looga guuleysto kooxda Al-Shabaab iyo in la xoreeyo deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Mudug.
Hadalkan taliyaha ayaa kusoo aadaya, xilli mudooyinkii ugu dambeeyay ay ka socdaan hawlgallo ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo ka socda deegaanada hoostaga maamulada Hirshabelle iyo Galmudug.




