Dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo ka socda gobolka Shabeellaha Hoose

0

JOWHAR – Wararka laga helayo gobolka Shabelada dhexe ayaa sheegaya in Ciidamada XDS iyo Macawiisleyda ay wadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo la xiriira dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

 

Dhaqdhaqaaqyadan ayaa ka socda deegaano shalay uu kadhacay dagaal dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo Xoogaga deegaanka oo iskaashanaya iyo Al-Shabaab.

Dagaaladaasi waxaa ka dhashay khasaare xoogan oo labada dhinac soo gaaray, sida ay sheegeen saraakiisha militeriga dowlada Soomaaliya.

Waxaa jiray duqeymo lala beegsaday goobaha markaasi fariisinka u ah kooxda Al-Shabaab.

Waxaa la arkayaa gaadiidka dagaalka ciidamada Xoogga dalka iyo Cutubyo katirsan ciidamada oo wada dhaqdhaqaaqyo ay ku doonayaan inAl-Shabaab ay kaga saaraan meelaha ay ku harsanyihiin.

Taliyaha Ciidamada Lugta Soomaaliyeed Janaraal Sahal ayaa kula dardaarmay Ciidamo Milatariga iyo Macawisleyda in ay Labo jibaaraan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, islamarkaana ay ka run sheegaan dagaalka Al-Shabaab oo uu ku tilmaamay inuuu yahay mid xaq ah.

Shalay dhowr deegaan oo dhaca gobolka Shabelada Dhexe waxaa ka dhacay dagaalo xoogan, deegaanadan ayaa hoostaga degmada Cadalle oo ah degmo xeebeed kuwaasi oo kala ah Laba Garas, Bursha Shiiq iyo sumadaale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here