Dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo ka socda xadka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe xilli cabsi laga qabo dagaal cusub

0

BELEDWEYNE – Wararka naga soo gaaraya dhulka xadka ah ee u dhexeeya gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ballaaran, kuwaasoo ay wadaan ciidamada deegaanka oo garab ka helaya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

 

Dhaqdhaqaaqyadan ayaa imanaya iyadoo maalmihii iyo toddobaadyadii u dambeeyay ay dagaallo culus ka socdeen deegaannada xadka ee labada gobol, gaar ahaan meelaha u dhaxeeya Ceel Hareeri iyo Aadan Yabaal.

Dagaalladaas ayaa sababay khasaare kala duwan, waxaana la sheegay in Al-Shabaab ay gacanta ku dhigeen deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe.

Saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa dhawaan gaaray aaggaas si ay u dardar geliyaan hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaasoo loogu talagalay in laga saaro deegaannada ay wali ku sugan yihiin.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale dhowaan gaarsiisay saanad ciidan oo dheeraad ah ciidamada deegaanka ee loo yaqaan “Macawiisleyda”, si ay uga qeyb qaataan gulufka militari ee lagu doonayo in Al-Shabaab looga saaro gobolka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqyada milatari ay si gaar ah uga socdaan aagga u dhexeeya Ceel Baraf ilaa Aadan Yabaal, waxaana cabsi laga qabaa in dagaallo hor leh ay ka qarxaan halkaas, maadaama ay ciidamada deegaanka iyo kuwa Xoogga ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo weerar ah, halka Al-Shabaab-na ay si weyn u abaabulan yihiin.

Ugu dambeyn, dhaqdhaqaaqyadan cusub ayaa imanaya xilli Al-Shabaab ay dhowaan awood u yeesheen in ay mar kale gacanta ku dhigaan qaybo ka mid ah Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan deegaanno hoostaga degmada Aadan Yabaal, halkaas oo ay weli xoog ku joogaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here