Buurhakaba, Baay – Degmada Buurhakaba ee gobolka Baay waxaa ka socda dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo kuwo amni oo isa soo taraya, kuwaas oo la sheegay inay salka ku hayaan diidmo ka dhan ah madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).
Wararka laga helayo gudaha degmada ayaa tilmaamaya in maamulka Buurhakaba iyo saraakiisha amniga ay hub iyo darees kala duwan ku wareejiyeen cutubyo ka tirsan ciidanka daraawiishta degmada, kuwaas oo muddooyinkii u dambeeyay tababar ku qaadanayay gudaha magaalada.
Mas’uuliyiinta iyo saraakiisha la hadlay ciidamadan ayaa ku amray inay diyaar u ahaadaan sugidda amniga degmada, la dagaallanka kooxda Al-Shabaab, iyo sidoo kale ka hortagga cid kasta oo ay sheegeen inay khatar ku tahay xasilloonida Buurhakaba.
Dhaqdhaqaaqyadan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku shareeray khilaaf u dhexeeya maamulka degmada Buurhakaba iyo hoggaanka sare ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed. Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta degmada ayaa maamulka sare ku eedeeyay inay dayaceen degmada iyo baahiyaha dadka ku nool.
Dhanka kale, ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamo horey uga tirsanaa kuwa ku sugnaa Buurhakaba maanta la siiyay hub iyo darees cusub, isla markaana ay ku biireen xoogag mucaarad ku ah maamulka Koonfur Galbeed.
Tallaabadan ayaa muujinaysa in uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee ka dhanka ah maamulka Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).




