Muqdisho, Soomaaliya – Waxaa dib u dhacay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee ay ku ballansanaayeen Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah federaalka iyo maamulka Gobolka Banaadir.
Shirkan oo lagu waday in lagu qabto 22-ka bishan Juun ayaa dib loogu riixay 15-ka bisha Luulyo 2025, sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka.
Qoraalka dowladda ayaa lagu xusay in sababta dib-u-dhaca ay la xiriirto diyaar-garowga iyo u dabbaal-degga toddobaadka Xorriyadda, iyadoo la tixgelinayo muhiimadda uu leeyahay xuskaasi taariikhiga ah. Dowladda ayaa intaa ku dartay in shirku qabsoomi doono maalinta Isniinta ee 15-ka Luulyo haddii Alle idmo.
Si kastaba ha ahaatee, warar soo baxaya ayaa muujinaya in beesha caalamka ay saareyso cadaadis ku saabsan in dhammaan madaxda dowlad-goboleedyada ay si buuxda uga qeyb galaan shirka, gaar ahaan Jubaland iyo Puntland oo aan ka muuqan wadatashiyadii hore.
Puntland ayaa horey u qaadacday shirarka Golaha Wadatashiga Qaranka, halka Jubaland ay si rasmi ah uga baxday kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kala laabatay aqoonsigii maamulkeeda. Lama saadaalin karo in labadaasi maamul ay ka qeyb gali doonaan shirka soo socda.
Sida laga soo xigtay ilo siyaasadeed, ka qeybgalka Jubaland ayaa shardi looga dhigay in Dowladda Federaalka ay aqoonsato doorashadii uu markale kusoo baxay Madaxweyne Axmed Madoobe, ayna kala noqoto waarankii maxkamadeed ee hore loogu soo saaray.
Puntland iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa iyaguna dalbanaya in si dhab ah loo xalliyo arrimaha la xiriira doorashooyinka iyo dastuurka kahor inta aysan dib ugu soo laaban miiska wadahadalka.
Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa la filayaa inuu noqdo mid go’aanno muhiim ah looga gaaro arrimaha doorashooyinka, dhameystirka dastuurka, iyo hab-raacyada hannaanka federaalka ee dalka, haddii ay suurto gasho in dhammaan dhinacyada ay kasoo qeybgalaan.




