Dib u dhac ku yimid shirkii golaha wadatashiga qaranka + Sababta

0

MUQDISHO (SMN) – Waxaa dib u dhac uu ku yimid shirkii Golaha wadatashiga qaranka ee uu dhowaan iclaamiyay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Shirka oo la filayay inuu manta ka furmo magaalada Muqdisho ayaa dib u dhacay, kadib markii ay cudur-daar sameeyeen qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada dalka.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in shirkan uu ka biyo diiday madaxweynaha Jubbaland oo sheegay in maamulkiisa uu ku jiro dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, isla markaana uusan imaan karin xilligan gudaha magaalada Muqdisho.

Sidoo kale madaxweynayaasha kale sida Koonfur Galbeed iyo HirShabelle ayaa iyaguna weli ku maqan deegaanadooda, halka uu kaliya magaalada Muqdisho hadda ku sugan yahay madaxweynaha Galmudug oo kulamo xasaasi ah ka waday gudaha caasimada.

Shirka madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa qorshuhu yahay in looga hadlo arrimaa ammaanka, dagaalka Al-Shabaab, doorashooyinka iyo sidoo kale hubkii dhowaan lagu boobay degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka jira xaalad siyaasadeed iyo mid diblumaasiyadeed oo ka dhalatay heshiiska badda ee Itoobiya iyo Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here