JALALAQSI (SMN) – Qaar kamid ah shacabka ku dhaqan degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa xalay dibad-bax ballaaran ka dhigay gudaha degmadaasi, iyaga oo soo dhaweeyay ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka oo kasoo baxay furimaha dagaalka.
Dibad-baxayaasha ayaa dalbanayay in cadaalad loo helo askartii dhowaan lagu laayay deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Qaar kamid ah dadka isku soo baxay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in loo baahan yahay in la qaado tallaabo deg-deg ah oo la xiriirta dhacdadaasi foosha xun.
Ciidamada gaaray Jalalaqsi ayaa waxa ay isku beel yihiin todobadii askari ee aanada qabiil loogu dilay Ceel Baraf, waxayna ka gadoodsan yihiin falkaasi argagaxa leh.
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo HirShabelle ayaa haatan wada dadaallo ku aadan ka jawaabista dhacdadaasi, waxaana la soo xiray shaqsiyaad loo haysto falkaasi.