KISMAAYO (SMN) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta lagu qabtay dibad-bax ballaaran oo looga soo horjeeday dowladda federaalka oo uu haatan khilaaf xoogan uu kala dhexeeyo maamulka Jubbaland.
Boqolaal dadweyne ah ayaa ka qayb-galay dibad-baxa oo si gaar ah looga soo horjeeday xayiraadda ay dowladdu saartay magaalada Kismaayo.
Qaar kamid ah dibad-baxayaasha oo la hadlay warbaainta ayaa eedeymo culus u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh, waxayna ku eedeeyeen inuu dalka isku wadi waayey.
Sidoo kale waxa ay ugu baaqeen inuu is casilo, maadaama bey yiraahdeen uu ku fashilmay xukunkii loo igmaday.
Si kastaba, dowladda federaalka iyo Jubbaland ayaa waxaa weli ka dhexeeya khilaaf ka dhashay dib u doorashadii Axmed Madoobe, kaas oo xittaa isku rogay gacan ka hadal.