MUQDISHO – Dibadbax ballaaran oo looga soo horjeeday go’aanka Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Taallada Daljirka Daahsoon.
Banaanbaxa ayaa waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay culimada kala duwan iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana ka qayb galay boqolaal shacab ah oo isugu jiray dhalinyaro, odayaal iyo haween, kuwaas oo muujiyay dareenkooda ku aaddan waxa ay ku tilmaameen xadgudub ka dhan ah midnimada Soomaaliya.
Ka qaybgalayaasha dibadbaxa ayaa watay calanka Soomaaliya iyo boorar ay ku qornaayeen halkudhegyo ka dhan ah aqoonsiga Israa’iil siisay Somaliland, iyagoo si cad u muujiyay diidmada arrintaas.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u muujisay diidmo cad, toddobaadyo ka hor, kaddib markii Israa’iil ay ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay dal madax-bannaan oo ka go’ay Soomaaliya inteeda kale.
Go’aankaas ayaa dhaliyay xiisado diblomaasiyadeed iyo falcelin caalami ah, iyadoo dalal saaxiib la ah Soomaaliya iyo beesha caalamka ay si xooggan uga horyimaadeen tallaabada Israa’iil, kuna tilmaameen mid ka hor imaanaysa xeerarka caalamiga ah, midnimada, iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.
Mas’uuliyiin iyo culimo ka hadlay dibadbaxa ayaa ku baaqay in beesha caalamka ay garab istaagto Soomaaliya, isla markaana la ixtiraamo xuduudaha iyo madax-bannaanida dalkeeda.




