Dibadbaxyo Ka Dhacay Ceergaabo oo Ka Dhan ah Ciidamada Somaliland

0

Ceergaabo — Dibadbaxyo waaweyn ayaa xalay ka dhacay magaalada Ceergaabo, xarunta gobolka Sanaag, iyada oo ay shacabka deegaanka ku muujiyeen caro iyo cambaareyn ku aadan dil ka dhacay deegaanada gobolka oo ay geysteen ciidamada maamulka Somaliland.

Dadka dibadbaxa dhigayay ayaa laamiyada magaalada ku gubayay taayiro, isla markaana xirey wadooyin badan oo muhiim ah, iyaga oo codkooda ku cabiraya sida ay uga xunyihiin falkaas dilka ah. Waxaa la sheegay in ciidamo ka tirsan Somaliland ay goobta yimaadeen, halkaasoo ay rasaas ku fureen dadka mudaaharaadayay.

Rasaastaas ayaa sababtay dhimashada wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Xamse, oo ka mid ahaa dhalinyarada sida weyn looga yaqaan magaalada Ceergaabo, kaasoo ku geeriyooday goobta banaanbaxa.

Qaar ka mid ah dadka dibadbaxa dhigayay ayaa si dareen leh uga hadlay gabood falka ciidamada Somaliland, iyaga oo ku adkeystay in banaanbaxyada aysan joojin doonin inta laga helayo caddaalad iyo in dadka ka dambeeyay dilka la soo qabto oo gacanta loogu soo dhigo maamulka Somaliland.

“Ma joojin doono banaanbaxyadan illaa Somaliland ka soo celiso dadka dilka gaystay, waxaana xaq u leenahay in cadaalad la helo,” ayuu yiri mid ka mid ah dibadbaxayaasha.

Dibadbaxyada ayaa qayb ka ah kacsanaan siyaasadeed iyo mid bulsho oo sii xoogeysanaysa gudaha gobolka Sanaag, halkaasoo ay weli ka taagan yihiin xiisado u dhexeeya shacabka deegaanka iyo maamulka Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here