Diblomaasi Maraykan ah oo ka digay in Somaliland si degdeg ah loo aqoonsado

0

MUQDISHO — Safiirkii hore ee Mareykanka u fadhiyay Soomaaliya, Larry André, ayaa uga digay dowladda Mareykanka inay si degdeg ah u aqoonsato maamulka Somaliland, isagoo sheegay in tallaabo kasta oo hal dhinac ah laga qaato ay halis galin karto xasilloonida Geeska Afrika iyo wadajirka Soomaaliya.

 

Maqaal dheer oo uu qorey ayaa André ku xusay in “xaaladda Geeska Afrika aad u kacsan tahay” oo ay ka jiraan dagaallo iyo khilaafaad siyaasadeed oo gudaha iyo dalal deris ahba ah, taasoo, sida uu sheegay, looga baahan yahay feejignaan dheeri ah kahor inta aan la qaadin go’aan la xiriira arrinta Somaliland.

Diblomaasigan khibradda dheer u leh gobolka ayaa ugu baaqay Washington in aysan kaligeed go’aan gaarin, balse ay la tashato dalalka gobolka sida Itoobiya, Kenya, Jabuuti iyo Uganda, iyo sidoo kale Midowga Afrika.

“Go’aanno aan laga fiirsan oo hal dhinac ah waxay dhaawici karaan iskaashiga gobolka iyo danaha Maraykanka ee Geeska Afrika,” ayuu yiri.

André wuxuu soo jeediyay saddex ikhtiyaar oo Mareykanku qaadi karo: inuu xaaladda sidii ay tahay sii daayo, inuu furo xafiis diblomaasiyadeed oo Hargeysa ah iyadoo safaaradda Muqdisho ay sii shaqeyneyso, ama inuu si rasmi ah u aqoonsado Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, André wuxuu si cad u sheegay in doorbiddiisu tahay ikhtiyaarka dhexe – in la furo xafiis Hargeysa ah – si Washington ugu fududaato la macaamilka labada dhinac, ayna kor ugu qaaddo dadaallada dib-u-heshiisiinta.

Wuxuu sidoo kale si adag uga digay in aqoonsi rasmi ah oo hal dhinac ah la siiyo Somaliland uu dhaawici karo xiriirka shacabka Soomaaliyeed ee taageersan midnimada dalka, islamarkaana uu sii hurin karo khilaafaadka qabaa’ilka ee horayba gobolka uga jiray.

Isagoo ka hadlayay xaaladda maamulka Somaliland, André wuxuu sheegay in Hargeysa ay ku guuleysatay heerar wanaagsan oo amni iyo maamul ah, balse taas aanay micnaheedu ahayn in xal kama dambeys ah lagu gaaro aqoonsi degdeg ah. Wuxuu xusay in Puntland-na ay gaartay horumar la mid ah iyadoo weli qayb ka ah dowladda federaalka.

Ugu dambeyn, André — oo hore u ahaa ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya — wuxuu sheegay in mustaqbalka Soomaaliya iyo Geeska Afrika uu ku xirnaan doono guusha dib-u-heshiisiinta iyo xoreynta dhulka ay hayaan Al-Shabaab. Wuxuu shacabka Soomaaliyeed u rajeeyay nabad, horumar iyo dowladnimo waarta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here