MUQDISHO, Soomaaliya – Diiwaan-gelinta dadweynaha ee doorashada golayaasha deegaanka ayaa maanta oo Talaado ah si rasmi ah uga bilaabatay degmada Shangaani ee gobolka Banaadir.
Dadka deegaanka ayaa safaf dhaadheer ugu jira goobaha diiwaan-gelinta, iyaga oo muujinaya rabitaan xooggan oo ku aaddan inay codkooda dhiibtaan si ay u doortaan wakiillada matalaya.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Amiir, ayaa noqday mas’uulkii ugu horreeyay ee isdiiwaangeliya, arrintaas oo dhiirrigelin weyn u noqotay shacabka kale si ay uga qeyb qaataan geeddi-socodka doorashada.
Doorashadan ayaa ah mid taariikhi ah, maadaama ay tahay markii ugu horreysay muddo 50 sano ah oo shacabka fursad u helayaan inay si toos ah u doortaan xubnaha golayaasha deegaanka.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa horey u sheegay in guddigu diyaar u yahay qabashada doorashada, islamarkaana ay haystaan dhammaan agabkii iyo farsamadii loo baahnaa.
Tani waxay qayb ka tahay dadaallada lagu xaqiijinayo hannaan doorasho oo hufan, kuna saleysan nidaamka qof iyo cod.