Diyaar garow ku aadan aadan xuska maalmaha xoriyadda oo ka socda Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ahna Guddoomiyaha Guddiga Maalmaha Xorriyadda ee 26 Juunyo iyo 1-da Luulyo mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh iyo xubnaha guddiga ayaa sii wada kulammada aan kala go’a lahayn ee diyaargarowga xuska maalmaha qaran iyada oo kulankan ka dhacay Xarunta Taliska Booliska Soomaaliyeed.

 

Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen Xubnaha Golaha Wasiirrada XFS, Taliyayaasha kala duwan ee Ciidamada Amniga iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu soo bandhigay qorshaha iyo u diyaargarowga todobaadka Xorriyadda oo nagu soo wajahan, taas oo ay qayb ka yihiin dhammaan Hay’adaha Dowladda heerarkooda kala duwan.

Sidoo kale waxaa lagu ballamay in lasii wado kulamada iyo diyaar garowga ku aadan xuska maalmaha qaran ee xoriyadda Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here