Diyaarad ay leedahay QM iyo shaqaalihii la socday oo u gacan galay Al-Shabaab

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dayaarad ay Qaramada Midoobay leedahay oo ka soo duushay Beledweyne, kuna sii jeedday Wisil, ay ku degtay deegaan ka tirsan gobolkaas oo ay gacanta ku hayaan Al Shabaab.

 

Dayaaradda oo nooceedu uu ahaa Helikobtar, kuna duulaysay magaca UNSOS, sida uu xaqiijiyey wasiirka amniga ee Galmudug Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe) in cillad ay qabsatay, ayna degdeg u fariisatay deegaan hoos yimaada Xiindheere oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Wararku waxay intaa ku darayaan in Al Shabaab ay gacanta ku dhigeen dayaaradda iyo 7 qof oo saarnaa, waxaana dayaaradda oo wasiirku sheegay inay dawo sidday dadka saarnaa ku jiray dad ajnabi ah, ayado aan la ogayn xaaladda ay ku sugan yihiin.

BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here