Bari, Soomaaliya – Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa si toos ah uga taageeray ciidanka difaaca Puntland howlgalka ka socda aagga buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaas oo ay ciidamada Puntland ka wadaan dagaal xooggan oo lagula jiro Daacish.
Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaha Mareykanku ay sahay iyo saanad ciidan hawada uga dajiyeen ciidamo ku sugan aagga buuraleyda Calmiskaad, si loo xoojiyo awooda ciidanka Puntland ee ka hawlgala meelaha adag ee aan baabuurtu si sahlan u gaari karin, sidoo kalena diyaaradaha si toos ah uga degi karin.
Ciidamada Puntland ayaa howlgal xooggan ka wada buuraha Calmiskaad, halkaas oo ay ku jiraan meelaha ugu daran ee ay Daacish ku dhuumaaleysanayaan. Diyaaradaha Mareykanka ayaa sidoo kale fuliyay duqeymo xooggan oo ka dhan ah xarumaha iyo goobaha kooxda Daacish ee buuraleydaasi, iyaga oo burbur ballaaran u geystay maleeshiyaadka.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah iskaashiga amni ee u dhexeeya dowladda Mareykanka iyo maamulka Puntland, iyadoo Mareykanku uu taageero ciidan iyo mid farsamo siiyo ciidanka gobolku si loo ciribtro khatarta argagixisada ee weli ka jirta qaybaha qaar ee Soomaaliya.
Howlgalka buuraleyda Calmiskaad ayaa lagu tilmaamay mid muhiim ah maadaama uu meesha ka saarayo goobaha ay Daacish ku dhuumaaleysanayaan, taasoo gacan ka geysaneysa hagaajinta amniga gobolka Bari iyo guud ahaan Puntland.




