MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur, ayaa xaqiijiyay in diyaaradaha dowladda Itoobiya ay duqeymo ka fuliyeen deegaanada gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Wasiirku wuxuu sheegay in duqeymahan ay ahaayeen kuwo gantaalo la riday, iyadoo aan weli la shaacin wax khasaare ah oo ka dhashay.
Wasiir Cabduqaadir ayaa sidoo kale tilmaamay in duqeymahaasi ay yihiin kuwo lagu hagayo, isla markaana ay dowladda Federaalka Soomaaliya si buuxda u ogtahay. Waxa uu caddeeyay in aan duqeymo noocan ah laga fulin karin gudaha Soomaaliya haddii aanan la ogeysiin dowladda, isaga oo muujiyay wada shaqeynta dhex marta labada dowladood ee Soomaaliya iyo Itoobiya.
Isaga oo faahfaahin ka bixiyay xiriirka amniga ee labada dal, Wasiir Cabduqaadir wuxuu sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay heshiiyeen in ay iska kaashadaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Waxa uu xusay in heshiiskii amniga ee Ankara uu qeexayo iskaashigaas, iyadoo labada dal ay isku raaceen in ay wadajir ugu hortagaan argagixisada iyo kooxaha hubeysan ee gobolka.
Sidoo kale, dowladda Soomaaliya waxay dhawaan oggolaansho siisay ciidamada Itoobiya si ay uga qeyb qaataan howlgalka cusub ee AUSSOM, inkasta oo aan weli la arkin ciidamada Itoobiya oo si rasmi ah ugu lug yeeshay hawlgallada Shabeellaha Dhexe.
Iskaashigan amniga ee Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah xasilloonida gobolka, iyadoo la rajeynayo in ay kordhiso guulaha laga gaaro dagaalka Al-Shabaab.



