BOOSAASO – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ay duqeymo xoogan ka fuliyeen buuraha Cali Miskaad, halkaas oo ay ku dhuumaaleysanayaan xubno ka tirsan ururka Daacish.
Ilo-wareedyo deegaanka ah ayaa sheegay in duqeyntu ay ahayd mid si gaar ah loogu beegsaday goobo muhiim ah oo la rumeysan yahay inay ku sugnaayeen saraakiil sare oo katirsan kooxda Daacish.
Lama xaqiijin karo ilaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi, hase yeeshee wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in uu jiro khasaare naf iyo maalba leh.
Saraakiisha Mareykanka weli kama aysan hadlin howlgalka, balse warar madaxbannaan ayaa sheegaya in la filayo in saacadaha soo socda ay soo baxaan faahfaahin dheeraad ah.
Mareykanka ayaa muddo ku dhow toban bilood gacan ka siinayay maamulka Puntland dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish, kaas oo ka socda buuraleyda adag ee Cali Miskaad — meel ay kooxdaasi u adeegsan jirtay saldhigyo iyo marinno ay ku dhuumaalaysan jireen.




