Diyaarado dagaal oo saaka duqeyn ka gaystay gobolka Galgaduud

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka diyaarado dagaal ay duqeymo ka gaysteen aagga deegaanka Ceel-lahelay ee gobolkaas, halkaas oo ay gelinkii dambe Jimicihii shalay ay ku wada dagaalameen Al-Shabaab oo weerar soo qaaday iyo ciidamada dowladda Soomaaliya.

 

Diyaaradaha ayaa dhowr gantaal ku dhuftay goobo la tuhunsan yahay inay joogaan xubnaha Shabaab oo inta badan soo weerara xarumaha ciidanka ee ku yaalla halkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in duqeyntu ay bilaabatay aroortii hore ee saaka, welina xaaladdu ay cakiran tahay.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan oo loo badinayo inay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo qayb ka ah dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah kasoo baxay Galmudug iyo dowladda federaalka oo ku aadan weerarkaas dhanka cirka ah ee lagu qaaday Al-Shabaabka kusgan Ceel-la helay.

Duqeyntan ayaa daba socoto dagaal qaraar oo shalay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ku dhex maray deegaankan, kaas oo la’isku riiqmay, isla-markaana gaystay khasaare lixaad leh oo soo kala gaaray labada dhinac.

Waxaa lasoo wariyay in markii dambe oo uu dagaalku istaagay inay dib usoo gurteen ciidamada dowladda, taas oo dhalisay hadal heyn kale oo xoogan.

Ceel-lahelay ayaa kamid ah deegaanadii ugu dambeeyay ee laga faramaroojiyay Shabaab, waxaa sidoo kale ku sugnaa wasiirka gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo mas’uuliyiin oo meesha u joogay dagaalka iyo sidoo kale dhiiragelinta ciidamada Xoogga.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa xilligan dagaalkii ugu cuslaa wuxuu uga furan yahay Galmudug, ugu yaraan saddex jiho oo kala ah Ceel-lahelay, Xinlebi iyo Laas-Gacamey oo uu shalay ka dhacay weerar ismaamiin ah oo lagu beegsaday guri ay ku sugnaayeen madaxweynaha Galmudug iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here