Diyaarado kusii jeeday Baydhabo oo lagu celiyay garoonka Muqdisho + Sababta

0

MUQDISHO (SMN) – Diyaarado dad shacab ah qaadi lahaa oo ku sii jeeday magaaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur-galbeed ayaa lagu xanibay garoonka Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.

 

Lama oga cida uu kasoo baxay amarka lagu xanibay diyaaradahaan shacabka balse xubno ka tirsan Madaxtooyada Koonfur-galbeed oo ay Shabelle la hadashay ayaa xayiraada rakaabka u socday Baydhabo ku eedeyay DFS.

Shalay ayey aheyd markii Sarkaal Ciidan oo ka tirsan Koonfur-galbeed lagu xanibay Garoonka Aadan Cade, inkastoo markii danbe wadahadalo siyaasadeed lagu xaliyey oo dib loogu fasaxay duulimaadkiisii.

Sidoo Kale warar shalay la isla dhexmarayey ayaa sheegayey in DFS ay diiday in ay Saraakiil ka tirsan Koonfur-galbeed ay ka degaan Garoonka Diyaaradaha ee degmada Baraawe.

DFS iyo Maamulka Koonfur-galbeed waxaa maalmihii u danbeeyay soo kala dhax galay madmadoow Siyaasadeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here