MUQDISHO [SMN] – Dooda ugu badan ee Xiligan taagan ayaa ah Suurtagal ahaashiyaha in Soomaliya ay ka dhici karto Doorasho qof iyo Cod ah, waxaana jirta kala aragtidi duwanaan Siyaasiyiin iyo Shacabka dhexdooda ah.
Waa la qaban karaa waxaa leh Dowladda, oo Geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay Qaabkii ay dalkan doorasho dadwayne uga qaban lahayd, laga billaabo sanadkan 2025.
Mala qaban karo waxaa leh Mucaardka oo iyagana ku hanjabaya In hadii an dalkan laga qaban doorasho loo wada dhanyahay ay qaadi doonaan Tilaabooyin an la mahdin.
Siyaasi Isxaq Mursal oo ka mid ah Siyaasiyiinta Dalka oo la hadlay Shabeele ayaa Quus ka taagan suurtagal ahaanshiyaha in Dalkan ay ka dhacdo Doorasho Qof iyo Cod ah.
Siyaasi Isxaaq ayaa sheegay In dhalanteed ay tahay in dalkan ay ka dhacdo Doorasho qof iyo cod ah isagoona ka digay in an lalugoyn Dalkan Iyo Dadkan Soomaaliyeed.
Hadalka siyaasi Isxaaq Mursal ayaa waxa uu ku soo aadayaaa Xili dowladdan ay sheegtay in ay hirgalin doonto in Dalkan ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah si looga baxo Doorasho Dadban oo in mudo ah dalkan ka dhacaysay inkastoo Mucaaradka Dowladdan ay dhawaan sheegeen in aysan Dalkan ka dhici doonin Doorasho QOF iyo Cod ah oo an raali lagu ahayn.