Dood xoogan oo ka dhalatay bixitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) –  Mowduuca ugu weyn Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika ee hadda taagan ayaa ah ka bixitaanka ciidanka howlgalka ATMIS ee Soomaaliya.

 

Dowlada federaalka ayaa ku adkaysaneysa in ciidamada ATMIS ay ka baxaan Soomaaliya iyada oo la dhameystirayo qorshaha ka bixitaankooda.

Waxa si weyn dowladdu ay u dooneysaa in ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah ATMIS ay faarujiyaan Soomaaliya, maadaama xurguf ay kala dhexeyso.

Mas’uuliyiin kala duwan oo u hadlay dowladda dhexe oo uu kamid yahay La-taliyaha Amniga Qaranka ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada ka bixitaanka ciidanka ATMIS ee Soomaaliya, xilli ay ka dhawaajiyeen in ciidamada qalabka sida ay ku filan yihiin amniga guud ee dalka iyo in ay la wareegaan fariisimaha ay faarujinayaan ciidamada ATMIS.

Dhinaca kale, Koonfur Galbeed ayaa u aragta sii joogitaanka ciidamada ATMIS gudaha Soomaaliya mid sahleysa in Al-Shabaab ay qabsadaan goobaha ay baneeyaan ciidamadaasi

Wasiirka amniga KGS oo saacadihii lasoo dhaafay qoraal daabacay ayaa sheegay in Itoobiya aan looga maarmin sugidda amniga, sidaas awgeedna aan lagu deg-degin, wuxuuna hadalkan muujinayaa sida KGS aysan u dooneynin bixidda ciidanka Itoobiya.

Dhankiisa siyaasiga Isaaq Mursal oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay, haddii ciidamada Itoobiya ay ka baxaan KGS ay Al-shabaab ay si fudud u qabsan karaan gobollada Baay iyo Bakool, sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba ATMIS ayaa ka bixi doonta Soomaaliya, haddii aanu isbadal lagu sameynin qorshaha ka bixitaankooda dhamaanadka sanadkan, iyaga oo goor horaba bilaabay in ay ka baxaan fariisimo waa weyn oo ay ka daganaayeen qaar kamid ah gobollada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here