Doon siday hub sharci darro ah oo lagu qabtay xeebta magaalada Baraawe

0

BARAAWE (SMN) – Ciidamo isugu jira Milatari iyo Nabad sugid ayaa howlgallo waxa ay ka sameeyeen deegaano ku dhow magaalo xeebeedka Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose.

 

Howlgalkan ayaa daarnaa dooni la sheegay in ay sidday hub sharci darro ah, taasi oo goosheysay xeebta Baraawe, iyada oo aan la ogeyn halka ay kusii jeeday.

Ciidamada ayaa ku guuleystay in ay gacanta kusoo dhigaan doonida oo ay saarnaayeen hubka fud-fudud iyo rasaas tiro beel ah.

Waxaa sidoo kale doonida lala soo qabtay ilaa sadex ruux oo la sheegay in ay ahaayeen ragga waday hubka lasoo qabtay.

Laamaha amniga waxa ay sheegayaan in ay wadaan baaritaanno la xiriira halka hubkan uu kusii socday, maadaama aan la ogeyn halka sida rasmiga ah uu ugu jiheesnaa.

Ma cadda cida loo waday hubkan, inkastoo G=gobolka ay ku sugan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab, kuwaasi oo dagaal kala soo horjeeda dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana dhowr jeer ay weeraro ka fuliyeen qeybo kamid ah gobolka iyagoo oo weerara saldhigyada ciidamada.

Sidoo kale waxaa gobolka jooga maleeshiyo beeleedyo had iya jeer ku dagaalama qeybo kamid ah deegaanada Shabeelaha Hoose kuwaasi oo iyana adeegsaday hub sharci darro ah.

Si kastaba, gudaha dalka ayaa waxaa wali yaalla hub fara badan oo sharci darro ah, kuwaasi oo gacanta ugu jira shaqsiyaad gaar ah, maleeshiyaad iyo kooxo Hubaysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here