Doorashada Guddoomiyaha, Guddoomiye Ku-xigeenka iyo Xoghayaha Guddiga Madaxa-banaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo Muqdisho ka Bilaabatay

0

Muqdisho – Doorashada Guddoomiyaha, Guddoomiye Ku-xigeenka, iyo Xoghayaha Guddiga Madaxa-banaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa maanta ka bilaabatay magaalada Muqdisho.

 

Guddigan oo ka kooban sagaal xubnood, ayaa bishii May 2025 ku soo baxay imtixaan ay qaaday Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo intaas kadib ay ansiyeen Golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka JFS.

Doorashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo madax-bannaanida guddiga, isla markaana lagu xaqiijinayo ilaalinta iyo kor u qaadista xuquuqul insaanka dalka, iyadoo la dhiirrigelinayo hufnaan iyo hogaamin mas’uuliyad ku dhisan.

May be an image of one or more people and daisMay be an image of ‎one or more people, dais and ‎text that says "‎ナビ نسان وق_الإنسان سوقالا NATIONAL IND GUDDIGA MADAX ー ΜΛH CMXIO SATS C المستقئة NDENT HUM NNAAN EE XUQ طني الو نة COMMISS INSAANKA QARA UN SHADA XUC 5 AD DAXA-B RANKA Date: /th Fahruar irport Hote -Somalia‎"‎‎

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here