Doorashada Guddoomiyaha, Guddoomiye Ku-xigeenka iyo Xoghayaha Guddiga Madaxa-banaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo Muqdisho ka Dhamaatay

0

Muqdisho – Waxaa maanta si rasmi ah uga soo dhamaatay doorashada Guddoomiyaha, Guddoomiye Ku-xigeenka, iyo Xoghayaha Guddiga Madaxa-banaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, taas oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

 

Dr. Maryan Qaasin Axmed ayaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga, iyada oo ku soo baxday shan cod, halka musharaxii kale ee tartamay, Cumar Cabdulle Calasow, uu helay afar cod.

Maxamed Haaruun, oo kamid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba kana tirsan sagaalka xubnood ee guddiga, ayaa loo doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga, mana jirin cid kula tartantay kursigaas.

Faadumo Cabdiqani Yuusuf ayaa loo doortay Xoghayaha Guddiga Madaxa-banaan, iyada oo ku soo baxday todoba cod, halka musharaxii la tartamay, Cali Maxamed Cilmi, uu helay labo cod.

Doorashadan ayaa waxaa qabtay Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka, waxaana goob-joog ka ahaa Xildhibaano, Saraakiil Ciidan, Korjoogto Caalami ah, Saxaafadda, iyo marti sharaf kale oo kala duwan.

Doorashadan ayaa muhiim u ah xoojinta madax-bannaanida guddiga iyo ilaalinta xuquuqul insaanka dalka, iyadoo la dhiirrigelinayo hufnaan, hogaamin mas’uuliyad ku dhisan, iyo ka qaybgalka bulshada ee arrimaha xuquuqul insaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here