Dowlada oo shirka ku casuuntay madasha mustaqbalka.

0

MUQDISHO – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu casuuntay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), iyo sidoo kale Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, inay ka soo qeyb galaan kulan ka dhacaya magaalada Muqdisho.

 

Kulankan ayaa lagu wadaa in diiradda lagu saaro xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan tabashooyinka ay qabaan maamul-goboleedyada iyo mucaaradka, kuwaas oo la xiriira arrimo amni, siyaasadeed iyo dilal loo geystay dad ay sheegeen inay qeyb ka yihiin mucaaradka.

Dowladda Federaalka ayaa tilmaantay in kulanku yahay mid wadatashi iyo is-afgarad lagu raadinayo, si xal loogu helo khilaafaadka jira loona xoojiyo midnimada iyo wada-shaqeynta heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here