Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo gaaray heshiis muhiim ah + Sawirro

0

NAIROBI (SMN) – Wasiirka Duulista, Marwo Fardowsa Cusmaan Cigaal ayaa heshiis la xiriira Hawada iyo Duulista kula saxiixatay magaalada Nairobi, dhiggeeda dalka Kenya Kipchumba Murkomen.

 

Heshiiskan ayaa bud dhig u noqonaya in diyaaradaha wata astaanta Soomaaliya oo dowlada Soomaaliya ay siisay ruqsada shaqada in ay ka howl gali karaan dalka Kenya.

Arintan ayaa qeyb ka ah dadaalada ay wado Wasaaradda Duulista taas oo ku aadan in dhamaan diyaaradaha ka diiwaan gashan Soomaaliya ay duulimaadyo caalami ah ka sameyn karaan Kenya.

Sidoo kale heshiiskan wuxuu xoojinayaa wada shaqaynta duulimaadka labada dal.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here