Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah + Sawirro

0

MUQDISHO (SMM) – Agasimaha Guud Ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Faderalka Somaliya Mudane Bashiir Macallim Cali ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay sii-hayaha Safaaradda Shiinaha Ee Soomaaliya Mudane Chen Wendi , Waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo joogteynta taageerada dhinacyada horumarinta arrimaha Gaadiidka, waddooyinka iyo duulista rayidka, joogteynta tababaradda, tayeynta iyo sare u qaadista khibradda shaqaalaha.

 

Agasime Bashiir ayaa uga mahad celiyey Safaaradda Shiinaha 23 kamid ah shaqaalaha Wasaaradda, oo ay 10kii October, 2023 sanadkii hore ay u qaaday tababar ku saabsan arrimaha Gaadiidka, technology-adda iyo horumarinta waddooyinka iyo sidoo kale taareegarada joogtadaha oo ay ku bixiso Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

kulanka Agasimaha iyo Safiirka Waxa ku waheliyey Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Iyo Agasimaha Shaqaalaha Iyo Tababarada Ee Wasaaradda Gaadiidka Iyo Duulista Hawada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here