Dowladda Federaalka oo ka digtay khatar maaliyadeed iyadoo canshuuraha gudaha ay weli yihiin 3%

0

MUQDISHO – Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in dalka uu wajahayo khatar maaliyadeed haddii aan si degdeg ah loogu heshiin nidaamka federaaleynta canshuuraha, kadib markii tirakoob cusub uu muujiyay in kaliya 3% dhaqaalaha dalka la canshuuro.

 

Wasiirka Maaliyadda, Biixi Iimaan Cige, oo ka hadlay dood ku saabsan xoojinta xasilloonida maaliyadeed oo ka dhacday Shirweynaha Bahda Cadaaladda, ayaa sheegay in heerka canshuuraha gudaha uu aad uga hooseeyo baahida dhismaha dowladnimada.

Waxa uu tilmaamay in dowladda dhexe aysan weli si toos ah u helin canshuuraha ay ururiyaan dowlad-goboleedyadu, marka laga reebo caasimadda Muqdisho oo nidaam canshuureed rasmi ah ka jiro.

Wasiirku wuxuu sheegay in wasaaraddu mudnaanta siisay kordhinta dakhliga gudaha si loo yareeyo ku tiirsanaanta caawinaadda shisheeye, isagoo xusay in saddexdii sano ee ugu dambeysay uu jiray koror gaaraya 80% oo ku yimid dakhliga gudaha. Kororkan ayuu ku sababeeyay sharciyo cusub, nidaam casri ah oo canshuuraha lagu aruuriyo, iyo adkeynta isla xisaabtanka hay’adaha dakhli ururiya.

“Dhaqaalaha Soomaaliya 3% oo kaliya ayaa la canshuuraa. Haddii aan heshiis laga gaarin federaaleynta canshuuraha, waddanku khatar ayuu ku jiraa,” ayuu yiri Wasiirka, isagoo hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo nidaam mideeya qaabka loo maamulo ilaha dhaqaalaha.

Mar uu dib u milicsaday xaaladdii maaliyadeed ee hore, Cige wuxuu sheegay in markii Madaxweyne Xasan Sheekh la doortay ay dowladda ku tiirsanayd keliya dakhliga dekedda Muqdisho, taas oo aan xasilloonayn isla markaana xitaa mushaharrada la kaabi jiray.

Wuxuu intaas ku daray in dowladda ay tallaabooyin u qaaday dhismaha nidaam maaliyadeed oo casri ah, oo ay ka mid yihiin magacaabista xeer-ilaaliyaal dakhli iyo dejinta habraacyo lagu xoojinayo ilaha dhaqaalaha gudaha.

Ugu dambeyn, Wasiirka Maaliyaddu wuxuu ugu baaqay shacabka inay fahmaan duruufaha dowladda ka haysta dhanka dhaqaalaha, isagoo sheegay in xasilloonida maaliyadeed ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu dhisayo dowladnimo xooggan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here