Dowladda Federaalka oo Looga Digay Qorshaha ay ku dhisayso Jubaland Cusub

0

Muqdisho, 9 Sebtembar 2025 – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wajahaysa cadaadis iyo baaqyo isa soo taraya oo looga digayo qorshaha ay ku doonayso inay Jubaland cusub ka hirgaliso gobolka Gedo, xilli khilaafkii maamulka Jubaland iyo Villa Somalia uu wali meel xasaasi ah marayo.

 

Khayrto Cali Xasan, oo ah aqoonyahanad kasoo jeeda gobolka Gedo, ayaa wareysi gaar ah oo ay siisay warbaahinta Shabelle ku sheegtay in qorshaha cusub ee dowladda ay wado uu khatar ku yahay xasilloonida gobolka, isla markaana uu horseedi karo dagaal iyo qalalaase daba dheeraada.

“Waa nasiib darro in dowlad dhexe ay isku daydo inay burburiso maamul jira iyadoo adeegsanaysa siyaasiin gobolka kasoo jeeda. Waxaa muhiim ah in la joojiyo qorshahan, lagana wada hadlo masiirka Jubaland miiska wada xaajoodka,” ayay tiri Khayrto iyadoo baaq nabadeed diraysa.

Aqoonyahanaddu waxay si gaar ah u canbaartay siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka Gedo oo ay sheegtay in loo adeegsanayo qorshaha Jubaland cusub ee dowladda damacsan tahay, taasoo ay ku tilmaantay mid aan waafaqsanayn nidaamka federaalka iyo rabitaanka shacabka deegaanka.

Hadalka Khayrto ayaa imaanaya xilli ay sii xoogeysanayaan kala aragti duwanaanta u dhexeysa dowladda federaalka iyo maamulka Jubaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe. Dowladda ayaa si cad u muujisay in aysan aqoonsanayn maamulka Jubaland ee haatan jira, islamarkaana ay dooneyso in la dhiso maamul cusub oo ay iyadu taageersan tahay.

Dowladda dhexe ilaa iyo haatan kama aysan hadlin si toos ah dhaliilaha kasoo yeeraya qeybaha bulshada, balse ilo siyaasadeed ayaa sheegaya in Villa Somalia ay ku adkeysaneyso hirgelinta maamulka cusub ee Jubaland, iyada oo u aragta in la baabi’iyo nidaamka hadda jira uu yahay muhiim si loo helo xasilooni siyaasadeed oo joogto ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here