Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Baaqashada Shirkii Wadatashiga ku Eedeysay Maamulada Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed

0

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in baaqashada Shirkii Wadatashiga Qaranka ay mas’uul ka yihiin Maamulada Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, sida lagu sheegay war-saxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

War-saxaafadeedka ayaa lagu caddeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ka duuleysa mas’uuliyaddeeda qaran iyo waajibaadka ka saaran ilaalinta midnimada, wadajirka iyo wada-shaqeynta ummadda Soomaaliyeed, ay sii xoojinayso hanaan wadatashi oo ku dhisan is-faham, wadahadal iyo xal waara.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay in gogosha wadahadalka ee u dhaxeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ay weli fidsan tahay, islamarkaana ay diyaar u tahay in la bilaabo wadahadal miro-dhal ah oo lagu xallinayo khilaafaadka jira, laguna xaqiijinayo danaha guud ee dalka.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta midnimada dalka, xasilloonida siyaasadeed, iyo in xal kasta oo la gaaraa uu ku yimaado wadahadal iyo is-afgarad qaran.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khusayso inay mudnaanta siiyaan wadajirka, mas’uuliyadda qaran, iyo danta guud ee ummadda Soomaaliyeed.

May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here