Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in dhammaan alaabihii laga soo qaaday bakhaarka uu saameeyay hawlaha balaadhinta dekedda dib loogu celiyay Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP).
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa war-saxaafadeed ku sheegtay in dowladdu mas’uuliyadda ka qaadatay dhacdada, isla markaana ka xuntahay, ayna WFP siisay bakhaar cusub oo ka weyn oo ku habboon gudaha Dekedda Muqdisho si loo hubiyo in howlaha gargaarka bani’aadannimo ay si ammaan ah oo aan kala go’ lahayn u socdaan.
Dowladdu waxay ku adkaysay inay ka go’an tahay mabaadi’da bani’aadannimo, hufnaanta, iyo isla xisaabtan, waxayna qiimeyneysaa iskaashiga dhow ee ay la leedahay WFP, Dowladda Mareykanka, iyo beesha deeq-bixiyeyaasha. Waxa la qaadayaa tallaabooyin lagu xoojinayo isku-duwidda iyo isgaarsiinta si looga hortago dhibaatooyin la mid ah mustaqbalka.





