MUQDISHO — Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay baaq cafis ah oo loo fidinayo xubnaha ka tirsan Al-Shabaab, isaga oo ugu baaqay inay ka soo baxaan kooxda kana faa’iideystaan fursadda dib u dhaqan-celinta ee ay dowladdu diyaarisay.
Madaxweynaha ayaa hadalkan jeediyay xilli uu hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Ummadda Muslimiinta bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan. Wuxuu ku boorriyay bulshada in la xoojiyo is-garabsiga iyo isu-gurmashada, gaar ahaan dadka ay saameeyeen abaaraha dalka ka jira.
“Dhalinyaradda ku jirta Al-Shabaab waxaan leeyahay ka soo baxa, dalkiinna iyo dadkiinna ayaa idiin baahan. Dowladda waxay idiin fidisay cafis iyo dib u dhaqan-celin,” ayuu yiri Madaxweynaha.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hambalyo gaar ah u diray Ciidamada Qalabka Sida, isaga oo ku ammaanay naf-hurnimada iyo dadaalka ay ugu jiraan difaaca dalka, sugidda amniga iyo xasilinta deegaannada laga xoreeyay kooxaha argagixisada.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in dowladdu sii wadi doonto howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, balse ay mudnaan gaar ah siinayso dib u soo celinta dhalinyarada la marin-habaabiyay si ay uga qeyb qaataan dib u dhiska iyo horumarka dalka.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay ilaaliyaan danta guud, xoojiyaan midnimada iyo wadajirka, isla markaana ay ka wada shaqeeyaan nabadda iyo horumarka dalka inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.
DAAWO




