Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Ka Hadashay Amniga Garoonka Aadan Cadde iyo Gogosha Wadahadallada

0

MUQDISHO – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay mas’uuliyad buuxda ka saaran tahay amniga iyo badqabka muwaadiniinta, si loo xaqiijiyo arrintaasna ay hore u meel marisay qaraarro caddeynaya baratakoollada iyo habraacyada lagu sugayo amniga Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde iyo guud ahaan caasimadda Muqdisho, taas oo horseedday xasilloonida iyo nabadda lagu naaloonayo.

 

War-saxaafadeed kasoo baxay Dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in ay ka xun tahay in ay ummadda Soomaaliyeed la wadaagto in xubno ka mid ah Madasha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo ka mid ahaa martida ka qeybgaleysay Shirka Wadahadallada Qaran ee lagu balansanaa in uu ka qabsoomo caasimadda 1-da Febraayo 2026, ay saaka isku dayeen in ay diyaarado kusoo daabulaan ciidamo iyo hub aan la garanayn ujeeddada laga leeyahay.

Dowladdu waxay tallaabadan ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah qaraarrada iyo habraacyada amniga ee dowladda dejisay, kuwaas oo ay waajib ku tahay in ay u hoggaansamaan dhammaan madaxda sare ee Dowladda Federaalka, madaxda dowlad-goboleedyada iyo sidoo kale madaxii hore ee dalka.

Hay’adaha amniga Dowladda Federaalka iyo Guddiga Qaban-qaabada Shirka ayaa si cad ugu wargeliyay xubnaha guddiga ku matalayay Madasha Mustaqbalka in aan la aqbali karin ciidamo iyo hub aan soo marin hanaanka iyo habraacyada amniga ee lagu heshiiyey.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale caddeysay in go’aankeeda ku aaddan qabsoomidda gogosha wadahadalka uusan waxba iska beddelin, iyadoo ugu baaqday xubnaha Madasha Mustaqbalka in ay ixtiraamaan baratakoollada iyo habraacyada amniga, si loo xaqiijiyo in shirka uu ku qabsoomo jawi nabdoon, xasilloon oo ammaan ah.

May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here