Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Ka Jawaabtay Eedeymo La Xiriira Bakhaar WFP

0

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay war-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, kaas oo la xiriiray eedeymo ku saabsan bakhaar ay leedahay Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP).

 

Dowladdu waxay caddeysay in dhammaan agabka gargaarka ee lagu sheegay wararkaasi ay weli si buuxda ugu jiraan gacanta iyo maamulidda Hay’adda WFP, oo ay ku jiraan gargaar ay bixisay Dowladda Mareykanka.

Sida ay sheegtay Dowladda Federaalka, bakhaarka WFP ee la hadal hayo wuxuu ku yaallaa gudaha Dekedda Muqdisho, halkaas oo ay ka socdaan howlo ballaarin iyo dib-u-habeyn ah oo qeyb ka ah horumarinta guud ee dekedda. Dowladda ayaa xaqiijisay in howlahaasi aysan wax saameyn ah ku yeelan kaydinta, maamulidda, ama qaybinta gargaarka bani’aadannimo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in ay si wadajir ah ula shaqeyneyso hay’adaha gargaarka, iyadoo arrintan dib-u-eegis ku sameyneysa guddi farsamo oo ka kooban hay’ado kala duwan.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale adkeysay sida ay uga go’an tahay ilaalinta mabaadi’da bani’aadannimo, hufnaan, iyo isla-xisaabtan, iyadoo muujisay muhiimadda ay siineyso iskaashiga ay la leedahay Dowladda Mareykanka iyo dhammaan deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah. Dowladda ayaa sheegtay in warar dheeraad ah la soo bandhigi doono marka dib-u-eegista la soo gabagabeeyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here