Muqdisho – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa sheegay in Dowladda Imaaraadka Carabta ay si rasmi ah uga jawaabtay codsi ay Dowladda Hoose ee Muqdisho u dirtay, kaas oo ku saabsanaa in lagu taageero qalabka dab-damiska si loo xoojiyo howlaha badbaadinta hantida iyo nafta shacabka ku nool caasimadda.
Guddoomiye Muungaab ayaa tilmaamay in deeqdan ay Imaaraadku bixiyeen ay ka mid tahay dadaallada lagu horumarinayo adeegyada degmooyinka iyo kor u qaadista awoodda hay’adaha gurmadka degdegga ah ee Gobolka Banaadir.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa shaaciyey in qorshe cusub lagu wado in Muqdisho lala mataaneynayo magaalada Dubai, si loo adkeeyo xiriirka iskaashi ee dhinacyada maamul, adeegyada bulshada, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.
Mudane Muungaab ayaa ugu dambeyn uga mahadceliyey Dowladda Imaaraadka Carabta taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ku tilmaamay tallaabadan mid muhiim ah oo horseedi karta iskaashi waara iyo horumar muuqda.



