Dowladda Ingiriiska oo cambaareysay dagaalka Raaskambooni

0

MUQDISHO, Soomaaliya – Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho ayaa soo saartey war qoraal ah oo ay ku cambaareysay dagaalkii shalay Ciidanka dowladda iyo kuwa Jubaland ku dhexmaray dagaalka Raaskambooni ee gobolka Jubada Hoose, oo ku tilmaantay mid laga fogaan karay.

 

Ingiriiska ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay inuu dagaalka dhacay xili ay jireen baaqdyo loo jeediyay labada dhinaca oo ku aadan qaboojinta xiisadda u dhaxaysa, kuwaasoo la iska indha-tiray. Dagaalka wuxuu saameyn ku yeeshay shacabka degaanka oo Isgaarsinta laga jaray, sidoo kalena la joojiyay dhaq-dhaqaaqyii ganacsiga.

Warka ay Safaaradda soo saartay waxaa sidoo kale lagu xusay in dowladda Ingiriiska ka xuntahay khasaaraha ka dhashay dagaalka Raaskambooni, oo ay dhabarjab ku ah amniga dalka, islamarkaana uu fursad siinayo AS, maadaama labada Ciidan oo loo diyaariyay xoreynta dalka ay hadda iyaga iska soo horjeesteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here