Muqdisho – Kadib iska horimaad hubeysan oo ka dhacay agagaarka Saldhigga Booliska Degmada Warta Nabadda, dowladda Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa si kulul isugu eedeeyay mas’uuliyadda falkaasi, taasoo sii hurisay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan caasimadda.
Dowladda ayaa sheegtay in mucaaradka ay ku kaceen fal khatar ku ah ammaanka, iyagoo isku dayay in ay si xoog ah ku qabsadaan xarun boolis. Balse mucaaradka ayaa dhankooda ku tilmaamay weerarkii lagu qaaday “isku day dil”, iyagoo sheegay in ay u socdeen booqasho ay ku muujinayaan garab istaag iyo murugo la wadaag dad rayid ah oo ay ciidamada dowladda dhibaateeyeen.
Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in mucaaradku ay isku dayeen in ay si xoog ah ku qabsadaan xarunta booliska, taasoo horseeday dagaal khasaare geystay. “Siyaasiyiin hubeysan iyo ilaalo ay wataan ayaa isku dayay in ay weerar ku qaadaan xarun boolis oo dowladeed, waana fal sharci-darro ah oo khatar ku ah amniga caasimadda,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Dhanka kale, mucaaradka ayaa si kulul u beeniyay eedeynta dowladda, iyaga oo sheegay in ay ka badbaadeen isku day dil oo lagu qaaday, xilli ay u socdeen in ay booqdaan dad shacab ah oo dhibaato kasoo gaartay howlgal ay fuliyeen ciidamada ammaanka. “Waxaan u soconnay inaan la qeybsanno murugada iyo xaaladda adag ee ay wajahayaan ehelada dad ay ciidamada ku dhaawaceen ama xireen, balse waxaa nalagu weeraray si ula kac ah,” ayuu yiri mid ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka.
Muqdisho ayaa haatan gashay xaalad aad u kacsan, iyadoo dareen cabsi iyo walwal ah uu ku baahay bulshada rayidka ah. Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen rasaas culus iyo dhaq-dhaqaaqyo militari oo aan caadi ahayn, taas oo cabsi ku abuurtay shacabka ku dhaqan caasimadda.




