NAIROBI (SMN) – Dowladda Kenya ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii lasoo dhaafay ay ciidamo dheeraad ah soo dhoobtay xadka ay la wadaagto Soomaaliya.
Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa la sheegay inay ka hortagi doonaan ganacsiga sharci darrada ah.
Sidoo kale ciidamadan ayaa lagu xoojin doono dadaalada laagu xakameeynayo ganacsiga sharci darrada ah ee ka socda xeebaha dalkaasi, kadib markii dowladaha Kenya iyo Somalia ay dhowaan ku heshiiyeen in la’isku furo xuduuda labada waddan oo ah kuwo daris ah.
Arrintan ayaa ku sooo aadeysa todobaad uun kadib markii ay Kenya ogolaatay in dib loo furo xadka ay wadaagaan labada dal, kaas oo muddo dheer xirnaa.
Kenya ayaa xuduuda u xirtay weerarada joogtada ah ee ay inta badan Al-Shabaab ku qaadaan deegaanada u dhow xadka Soomaaliya.