Dowladda Kenya oo Daaha ka Rogtay Damaceeda: Midnimada Soomaaliya oo Lagu Beddelanayo Maamul-Goboleedyo Kala Socda

0

Hordhac: Warqad rasmi ah oo ay 26-kii May 2025 soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Kenya ayaa si maldahan oo maskax ku ciyaar ah u caddeyneysa faragelinta qaawan ee Kenya ay ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya. In kasta oo qoraalkaasi xambaarsanaa ereyo diblomaasiyadeed oo u eg taageero iyo xushmad, haddana wuxuu si mug leh u muujinayaa dhab ahaan khilaaf iyo halis weyn oo ka dhan ah midnimada, madax-bannaanida iyo jiritaanka qaranimada Soomaaliyeed.

 

Farriinta Qarsoon: Maamul-Goboleedyo Kala Go’an iyo Isdhexgal Toos ah

Qeybta ugu dambeysa ee qoraalka, Dowladda Kenya waxay si bareer ah u sheegtay inay xiriir toos ah la yeelan doonto “sub-national governments in Jubaland and Somaliland”. Inkasta oo ay sheegtay in la tixgelinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, haddana erayadaasi waxay u furan yihiin fasiraad siyaasadeed oo khatar ah:

Maamulka Kenya waxa uu isku dayayaa in uu Soomaaliya u aqoonsado dal ka kooban unugyo siyaasadeed kala madaxbannaan,

Wuxuu u janjeerayaa inuu xiriir gaar ah la yeesho Jubaland iyo Somaliland, isagoo uga faa’iideysanaya xasillooni darrada dowladda dhexe,

Waa tallaabo u dhiganta in Kenya si toos ah u yareyneyso miisaanka iyo awoodda dowladda federaalka, taasoo u dhiganta faragelin qaranimo jebin ah.

Dowladda Federaalka: Midnimadii Qaranka oo Laga Faa’iideystay

Fursaddan ay Kenya ku faragelinayso gudaha Soomaaliya waxay suurtagal ku noqotay hoggaan-xumada dowladda federaalka ee hadda jirta. Dowladdaas ayaa lagu eedeeyaa:

Inay dayacday mas’uuliyadda ilaalinta midnimada dalka,

Inay abuurto kala fogaansho iyo kalsooni darro u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada,

Inay ku mashquulsan tahay olole doorasho oo muran leh, halkii ay xoojin lahayd wada-jir qaran iyo ilaalinta madax-bannaanida dalka,

Inay ku kacday ku tumasho xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed—oo ay ku jiraan barakicin, dhulboob, iyo awood sheegasho sharci-darro ah.

Siyaasad xumadaas ayaa keentay in Kenya u aragto Soomaaliya inay tahay dal la kala maamuli karo, taasoo door bideysa xiriir toos ah oo aan la marin dowladda dhexe.

Qarannimada Soomaaliyeed: Lama Taabtaan iyo Meel ka Dhac aan La Aqbali Karin

In Kenya ay si cad u sheegto inay xiriir toos ah la yeelaneyso Jubaland iyo Somaliland waa jebin lagu sameeyay qawaaniinta caalamiga ah sida:

Qodobka 2-aad ee Dastuurka Soomaaliya oo dhiga in “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay tahay dal mid ah, aan la kala qaybin karin”,

Qaraarrada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, kuwaas oo mamnuucaya faragelinta arrimaha gudaha ee waddan madax-bannaan.

Qoraalka Kenya wuxuu beeninayaa hadallada diblomaasiyadeed ee ay warqadda ku bilowday, isagoo si ficil ah u muujinaya damac siyaasadeed oo ka dhan ah jiritaanka Soomaaliya.

Gabagabo: Baaq Qaran oo Wacyi Leh 

Waxaan ugu baaqayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, culimada, dhalinyarada, iyo haweenka Soomaaliyeed:

Inay si buuxda uga dhiidhiyaan faragelinta Dowladda Kenya iyo damaceeda hoos u dhigaya qarannimada Soomaaliyeed.

Inay codkooda mideeyaan si ay cadaadis ugu saaraan Dowladda Federaalka inay si dhab ah u difaacdo qaranimada iyo madax-bannaanida dalka.

Inay ku baraarugaan khatarta ka dhalan karta marka dowlad shisheeye ay u adeegsato “maamul-goboleedyo” sidii “wadamo gaar ah”.

Soomaaliya oo mid ah, waa lama taabtaan. Qarannimada Soomaaliya ma aha maamuus la qeybiyo.
Qalinkii Maxamed Muuse

Madaxii xiriirka caalamiga ah ee Guddigii doorashada heer federaal (FEIT) 20201- 2022.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here